ECHO TV (TELEFISHINKA ECHO)

Bishii Sateembar, 2004tii, ECHO iyo Twin Cities Public Television – tpt (Teleshinka Guud ee Twin Cities - tpt) waxa ay siidaayeen taxaneyaal cusub ee hore loo arag, ECHO TV (Telefishinka ECHO), taaso wax ka qabanaysa baahida caafimaadka, ammaanka iyo ka tabaabushada deg-degga shacabka aan af ingiriis macna leh ku hadlin (LEP) ee reer Minnesota ah.

Barnaamijyada bil ka bilka waxaa loo diiyaariyay ayadoo la kaashanayo deeq-bixiyaasha gacanta furan, khubarada hawsha gacanta ku hayo, rafiiqyada shirkadaha telefishinka dadweynaha iyo lataliyaasha dhaqanka. Barnaamijyada waa kuwa qoraala oo loogu soo bandhigayo daawadayaasha si looga caawiyo barashada af ingiriisiga, kuwaso loo sameynayo qalab bartilmaameed fiican English Language Learner (Bartayaasha Luqadda Ingiriisiga) iyo fasallada Adult Basic Education (Waxbarashada Aasaasiga ee Dadka Waaweyn).

ECHO TV (Telefishinka ECHO) waxaa laga siidayaa tpt Minnesota Channel -   tptMN (tptMN) Axadaha 7:00 habeennimo.

Barnaamijyada qaaska ah ee telefishinka waxaa kaamerada ku soo bandhiga kooxda ECHO oo ka kooban xiriiriyaal barnaamij oo ku fiican iyo soo bandhigayaal wareysiyada khubarada moowduucyo labada luqadood ee lagu xaqiijinayo in barnaamijyada oo idil ay yihiin kuwo dhaqan ahan la aqbalayo, la gaarsin karo iyo laysku hallayn karo.

Barnaamijyaddeena ee Affordable Housing (Guryaha Jaban) waxa uu fasirayaa waxa uu yahay heshiiska ijaarka – iyo sababta uu heshiiska ijaarka muhiim u leeyahay – ee loogu talagalay daawaadayasheenna ka socda dhaqamada kale oo inta badan ijaarka lagu dhammeyo afgarasho.

Inta lagu jiro xaalad adag ee caafimaadka iyo ammaanka gobolka oo idil saamaynaya, sida musiibada hargabka, ama dagaal ay argagixiso soo qaaddo, ECHO TV (TELEFISHINKA ECHO) ayaa ka sii siidaynaya tptMN (Kanaalka tptMN) macluumad iyo tusmooyin nafta badbaadinaya ee lagu siidanayo luqadaha ay jaalliyadaheenna aad ugu bahaanyihiin.

Halkaan riix si aad u heshid macluumaad dheeraad ah oo ku taxaluqa arrimaha deg-degga ah.

Badigoob sidii aad u soo bandhigi lahayd barnaamijsidii aad u noqon lahayd tabiye, iyo la socoshada barnaamijyadda ECHO TV (TELEFISHINKA ECHO) ECHO lagu siidayo 24ka saacadood maalinkii, 7 cisho internetka, ama YouTube ama DVD lagu siidaayo

 BILOW IN AAD HADDA DAAWATO.