Helitaanka Daryeelka Caafimaad ee Minnesota

Sharciga The Affordable Care Act  wuxuu amrayaa in qof walbaaba hello caymis ama kaar caafimaad, Wuxuuna  sahlay jidad cusub oo lagu hello kaar caafimaad oo la awoodo.

MNsure waa saylad ama suuq iibsi oo online ah taas oo  ka caawinaysa reer minnesota siday ku heli lahaayeen kaar caafimaad oo la awoodi karo . Hadii aadan kaar caafimaad adigu heli karin, ama aad  u baahan tahay caawimaad dhaqaale, MNsure waa meesha aad ka bilaabi kartid. Weliba waxaad heli kartaa qof tababaran oo khibrad leh oo ku caawiya iyadoo lacag la'aan, qofkaas oo ku hadla luuaqadaada. Markaad yeelatid  kaar caafimaad, Waa inaad fahantaa sida uu shaqeeyo kaarkaaga caafimaad, iyo weliba  waxa ay tahay masuuliyaadaadu. Intaas kadib yeelo ama samayso rug caafimaad iyo ka hor tag  iyo baaris joogto ah  oo caafimaad.

Sida ugu wanaagsan oo aad adiga iyo reerkaaguba ku  dhowri kartaan caafimaadkiina  waan inaad fahantaan , yeelataan oo weliba istcimaashan kaar caafimaad  si aad u  heshaan  daryeel caafimaad . Si aad wax badan uga ogaato  arintaan  ECHO-TPT ayaa  si wada jira usoo saaray iyadoo afaf badan oo hadeer diyaar  ah, sida   Spanish, Hmong, Somali and English.

Keywords: 
healthcare, insurance, MNsure, health care, access, accessing healthcare in mn, accessing healthcare in Minnesota, accessing health care in mn