LEESANO LUUQADA ENGRIISIDA AH

Sida ay sheegtay tirakoobkii 2010-kii dad ka badan 550,000 qof oo ay da’doodu u dhexayso 5 jir iyo wixii ka wayn ayaa aqalkoodaa lagaga hadlaa luuqad aan Engriisi aahayn.

Iskaashi ay la yeelatay hayada Minnesota Literacy Council iyo hayado kale oo dhiga waxbarashada dadka waawayn ee English as Second Language (ESL) ayaa ECHO biloowday in ay kala shaqayso  shirkadahan sidii la isugu dari lahaa leesano isugu jira luuqada iyo dhaqanka  oo dadka ka caawiya sidii ay ula qabsan lahaayeen dalka. Leesanadan oo isugu jira caafimaadka, bad baadada dadwaynaha iyo macluumaad kale oo muhiim ah.   

ECHO waxay isku dubaridey Casharo muhiim ah oo ka kooban Luuqado kala duwan sida  mawduucyada la xidhiidha xaaladaha deg dega ah sida qolka gar gaarka caafimaadka, ka hortaga dabka, cimilada khatarta leh, cod bixinta doorashooyinka iyo qalalaasaha qoyska. Casharadan oo dhami waa kuwo si hawlyar u fahansiinay dadka weli luuqada Ingriiska baranaya.

Casharadan iyo luuqadaha ay kusoo baxaan waxay inta badan lasocdaan barnaamijyo kale oo ay ECHO samayso oo loogu talagalay in la gaadhsiiyo dadwaynaha  macluumaadka daawanaya oo dhami in ay ka faa’iidaystaan haday Ingriisi ku hadlaan iyo haday luuqad kale ku hadlaanba.

Casharada Luuqadaha kala duwan ah ee ECHO waxad ka heli kartaa barta internetka.

Arimaha Qalaasaha qoyska iyo bad baadadaada

Habka fiican ee qolka gar gaarka deg dega ah

Codaynta, Doorashooyinka iyo dimoqoradiyada

U foojignoow isticmaalka idaacada cimilada

Ka hortaga dhalinta iyo dabka

Hadaad Maxakamad leedahay Minnesota