Barnaamijyada Waxbarashada Gaarka ah ee dhigashada iskuulka ka horeeya

Waxaa dhici karta in carruurta qaarkood ay qabaan dhibaatooyin saameeya awooda ay wax ku bartaan. Gobolka Minnesota waxaa ka jira kaalmooyin ay bixiyaan barnaamijyada waxbarashada gaarka ah ee la dheho Special Education. Kaalmooyinkani waxay bilaaban karaan waqtiga dhalashada iyo in badan kahor bilowga iskuulka. Waana muhiim in aad ilmahaaga geysid rugta caafimaadka si looga baaro dhinacyada aragtida, maqalka, korniimada jirka iyo maskaxda. Marka goor hore la ogaado dhibaatooyinka la xiriira caafimaadka iyo korniimadu waxay sahashaa in waalidku hubiyaan in ilmahoodu si dhakhso leh u helaan kaalmada waxbarashada gaarka ah ee la siiyo marka carruurtu aadka u yar yar yihiin.

Keywords: 
children, Special Education