Ixtiraamka Qaderinta dabayaaqada nolosha qofka

Ka fekerka geerida iyo dhimashadu waa wax dadka badankiisu aanay qanacsanayn, mar marka qaarkeedna waaba baqdin. Ma jeclin in aynu ka fekerno dhimashadeena ama mida dadka aynu jecelnahay. Waase nasiibdaro in aan xanuunada khatarta ah qaarkood aan xataa dawooyinka casriga ahi dawayn Karin  oo ay xad leedahay waxa daawadu ay qaban kartaa.   Mar mar xanuunada qaar lama daway karo, taasina waxay keentaa in qofku uu u marka dambe udhinto xanuunkaasi. 

Waxa jira si gaar ah oo loo daryeelo dadka dhimanaya. Waxa loogu yeedhaa “hospice”. Hospice waa daryeel loogu tala galay in lagu  xanaaneeyo qofka buka oo lagaga ilaaliyo kaarka iyo xanuunka uu cudrkaasi leeyahay.  Waana mid qofka buka iyo qoyskooduba ay raali ka yihiin oo si fiican ula socdaan talaaba kasta oo daryeelkaas ah. Hospice waxay siisaa qofka buka iyo qoyskoodaba marxalad  amaan ah oo u diyaarisa qofka buka dhamadka noloshooda. Taasi oo qofka qoyskooda lagala shaqeeyo hab siinaya ixtiraam iyo taxader qofka dhaqankiisa iyo diintiisaba. Isla markaana u yeelaya qofka inuu ku dhinto geeri sharaf iyo ixtiraam leh iyada oo dadkii jeclaa oo dhamina ay ku hareeraysan yihiin. 

Macluumaad dheeraad ah ka baro daryeelka hospice oo ah barnaamij ay isku soo dubarideen ECHO iyo TPT.  

Keywords: 
ixtiraam, qadarin, macluumaad, warbixin, geeri, wadka, dhimasho, naxariis, waalid, caruur, qoys, xanuun, cudur, dilaa, kansar, sakaraad, dhaqan, diin, naf, nafta, dhakhtar, khatar, cabsi, baqdin, warwar, hospice care, elderly, sick, ill, end-of-life, hospice