Kansarka Naasaha: Ogaanshaha, Ka-hortagga, iyo Daaweynta

 

Barnaamijkan waxaad ka heleysaa macluumaad muhiim ah oo khuseeya kansarka naasaha: ogaanshaha, ka-hortagga, iyo daaweynta.  Daawadayaashu waxa ay baran doonaan macluumaad muhiim ah oo ku saabsan kansarka naasaha, kuwaasoo isugu jira: muxuu yahay xanuunkaasi, sidee loo daaweeyaa, sidee loogu dedaalaa in uusan xanuunskaasi kugu dhicin, iyo sidee lagu helaa ama loogu xirnaadaa macluumaadka xanuunkaas khuseeya ee loo diyaariyey haweenka iyo qoysaska.

Mammograms                                      Checks

       

Baro waxyaabo badan oo ku saabsan kansarka naasaha oo daawo wareysiyo lala yeeshay dad laga daaweeyey kansarka naasaha. Dadkaasi waxa ay ka sheekeynayaan waxyaabihii ay la kulmeen, sidii goor hore wax loogaqabtay iyo daaweyntii ay soo mareen; sidaas awgeed waxa ay dadkaasi faa’iido iyo rajo u noqon karaan daawadayaasha uu ku dhacay kansarka naasaha iyo dadka ay qaraabada yihiin.

Xiong My Ly                                        Rebecca Clotts

      

Barnaamijkan waxaa la doonayaa in dadweynaha looga dhigo wacyi-gelin, inay ogaadaan in ay jirto rajo iyo waxyaabo badan oo loo diyaariyey si loogu caawiyo iyaga iyo qoysaskooda.  Haddaba si loo sameeyo barnaamijkaas, waxaa la isu keenay dhakhaatiir ka shaqeysa gobolka, dad khubaro ku ah kansarka, ururrada daryeelka caafimaadka, iyo, dadka ugu muhiimsan oo ah dadka laga daweeyey kansarka, si ay dhammaantood uga wada hadlaan xanuunkaas iyo wixii ay kala kulmeen.

Dhaqaalaha ku baxaya waxaa qeyb ahaan lagu bixiyey deeq ECHO uga timid ururka samafalka ah ee Susan B. Komen for the Cure Minnesota® si loo kobciyo ka-hortagga iyo in goor hore la qabto kansarka naasaha, iyo daaweyn loo sameyn doono dadyowga Laatiinka, Moong, Soomaalida, iyo dadka kale ee qoysaska ah ee ay hooseyso aqoontooda afka Ingiriiska ee ku nool Minnesota. Lacagta deeqda ah waxaa la isku raacay in qeyb ahaan lagu bixiyo lacagaha lagu sameyn doono show taleefashinka laga soo saari doono, wacyi-gelin dadweynaha loo sameyn doono, ilo kale oo laga heli doono intarnetka, Dhiifiidhii (DVD), in bulshooyinkaas lala yeesho gacansaar loogu gudbinayo isticmaalid taageero u noqon doonta manhajka fasallada ee waxbarashada afka Ingiriiska (ELL).

Halkan ka daawo wareysiyo lala yeeshay dadka laga daaweeyey kansarka naasaha.

 

Susan G. Komen logo

Keywords: 
daawayn, ka hortag, kansar, kansarka naasaha, dumar, gabadh, inan, is baadhitaan, mammograms, xanuun, cudur, Treatment, prevent, cancer, breast, breast cancer, women, detection, woman, female, girl, therapy