Cigaal Shidaad: Sheekooyinka Caafimaadka Soomaalida (Egal Shidad: Stories of Somali Health)

To view this page in English click here. 


Cigaal Shidaad: Sheekooyinka Caafimaadka Soomaalida (Stories of Somali Health) waxa loo adeegsanayaa wadahadal iyo aqoon isweeydaarasi run ah wax dhab ahna ku salaysan, si loo abuuro  barnaamijyo laga soo deenayo telefishanada, raadiyaha, fasalada ELL’kana loo isticmaalidoono. Barnaamijyadaa oo ku meeraysan saddex arimood oo xaaladaha caafimaad ku saabsan. In ka badan 35 xubnood oo ka midah beesha Soomaaliyeed ee dagan labbada magaalo ee mataana ah ayaa ka qeeb qaatay mashruucan. Daawo maqal muuqaalada kala duwan adiga oo hoos boggan ugu dhaadhacaya si aad aqoon dheeraada uga heshid wuxuu mashruucan Cigaal Shidaad ku saabsanyahay.

 

 

Baro waxa uu Cigaal Shidaad: Sheekooyinka Caafimaadka Soomaalida (Stories of Somali Health) uu gebigiis ku saabsanyahay markaad daawato bandhiggan maqal muuqaalka ah.  (3:33  Af Ingiriis Kaliya.)

Egal Shidad logo

 

 

 

 

Egal Shidad: Sheekooyin Cuduradda Maskaxdaa 60 daqiiqo 
Barnaamijkaan wuxuu bandhigaa warbixin ku saabsan cudurada maskaxda looguna talogalay Soomaalida iyo ururadda la shaqeeya Soomaalida. Iyadoo loo marayo sheeko sheegis iyo waraysiyo markaas qof walba ku dhiirageliya inuu ka hadlo caafimaad, uuna raadisteed galo qalabaadka ku haboon.  AF SOOMAALIGA – Qaraalo Ingiriis ah ayaa soo qormaya 

Ciigaal Shidaad: Sheeko ku saabsan Xanuunada Dhimirka (60 daqiiqadood). Barnaamijkaan wuxuu   Soomaalida iyo ururadda la shaqeeyaba siinayaa warbixino ku saabsan xanuunada dhimirka iyada oo la adeegsanyo sheekooyin  iyo waraysiyo loogu talagalay in lagu boorigaliyo in si furan qofwalbaaba uga hadlo xanuunada dhimirka, kadibna ay xogo u raadsadaan.(aF SOOMAALI – qooraal af- Engiriisi ahna wuu soo qormin)

 

 


 

Cigaal Shidaad: Xoojinta Waalidka/Caruurta Xariirkooda 30 daqiiqo. Barnaamijkan Soosaarahiisa Soomaaliyeed ee Mukhtar Gaaddasaar wuxuu sahminayaa waddada iyo qaabka ugu haboon ee loo kabikaro meelaha ka banana wada xadhiidhka waalidka iyo da’ayarta Wuxuu la hadlayaa askari Soomali- Mareekan ah, koox da’ayara ah oo dhawaan ka qalanjabisay dugsiyada sare, iyo waalid. (aF SOOMAALIGA – qooraal af-Engiriisi ahna wuu so qormin).

 

 

 


 

Cigaal Shidaad: Barnaamij ku saabsan Caafimaadka Galmada (Sexual Health) 30 daqiiqo. Mukhtar Gaaddasaar wuxuu markaan u kaxeenayaa daawadayaasha socdaal ay ku barnaayaan waxay ay yihiin cudurada galmada ku faafa, Iyada oo si dhab iyo run aha looga wada hadlayo mawduucan, wuxuu sahminaya fakarka guud iyo waxay bulshadu ka aaminsantahay mawduucan, iyo halisaha ku  food lahaan karta beesha Sooomaliyeed  (aF SOOMAALIGA – qoraal af-Engiriisi ahna wuu soo qorman).

 

 

 

Cigaal Shidaad: mashruuca Sheekooyinka Caafimaadka Soomaalida: Barnaamijkan jaad guuniga ah, waxaa hirrgalintiisa isla kaashaday  ECHO Minnesota, St. Paul Neighborhood Network, KFAI Radio Without Boundaries, iyo Confederation of Somali Community. Maalgelintiisana waxaaya ka timi New Routes to Community Health, an initiative of the Robert Wood Johnson Foundation oo  xil aad ah iska saaray si ay u horumariyaan caafimaadka dhamaan dadka Mareekanka ah, waxaa sidaaso kale isla markaana jiheenta iyo  farsamada gacan ka geeystay  MasComm Associates, LLC iyo  Benton Foundation. Wixii warbixin dheeraad ah oo ku saabsaan New Routes to Community Health, faddlan booqo www.newroutes.org

 

Codso DVD’yada Cigaal Shidaad: Sheekooyinka Caafimaadka Soomaalida: Si aad naftaada ama ururkaaga aad u codsatid DVD’yada, email u soo dir, [email protected] 

Keywords: 
mental health, egal shidad, egal, shidad, sexual health, stds, sexually transmitted diseases, parents, teens, teen communication, Mukhtar, Gaaddasaar, Abdirahman, Mohamed, relationship, Saeed, Fahia, ELL, English Language Learning, Learning, English, Somali