AFHAYEENNADA JAALLIYADDA ECHO

Ahayeennada ECHO ee jaalliyadaha Afrikada Bari, Laatiinka iyo kuwa Aasiyada Koofur Bari waxa ay door weyn ka qaateen soo bandhigidda ilaha waxbarashada iyo xaqiijinta in dhammaan barnaamijyada ay ahaadaan kuwo haqabtiraya baahida uu gaar dadkeena ka kala socda dhaqamada kala duwan. Ayaga oo ah codadka jaalliyadaheenna, afhayeennada waxa ay qabanayaan:

  • Ku qabtaan ECHO TV (TELEFISHINKA ECHO), wareysiyo lala sameeyay xeeldheraayasha labada luqa yaqaanka arrimaha caafimaadka iyo ammaanka.
  • Codad lagu duubo ECHO Phone (Telefoonka ECHO), si talooyinka bil ka bil ee la xariira caafimaadka iyo ammaanka ee luqadaha badan ay ku helaan jaalliyadaha gobolka wada dega.
  • Ay qaybgalayaan ka noqdaan xafladaha ECHO, ayaga oo ka shaqeeya sidii ilaha qaaska loo gaarsiiyo jaalliyadaha aan u wada adeegno.

Marka lagu jiro xalad caafimaad ama mid ammaan, afhayennada waaya aragga ah ee ECHO waxa ay waqtigooda iyo xirfadahooda ku biirinayaan in ay ku dhisaan Public Service Announcements (Ogaysiisyada Adeegyada Guud – PSAs) ee lagu gaarsiiyo raadiyaha, telefishinka, telefoonka, wacyigalinta jaaliyadda iyo qoraal ahaan.

Wadajir, waxa aan ka shaqaynaynaa sidii aan u hubin lahayn in dhageystayaasha iyo daawadayaasha ECHO ay haystaan qalabka ku gaaran go’aan ay ka fiirsadeen oo ku aaddan, reerahooda iyo jaalliyaddooda.

Si markaasi marka ilmaha lagu diwaangalinayo dugsiga, waalidku ay aqoon u leeyihiiin tallaabada laga rabo si ay ilamhooda u u diyaar garoobo, iyo fursadaha loogu talagalay caruurta qaba xaalado daran.

Daryeel bixiyaasha waayeelka waxa ay ku baranayaan muhiimadda lagu joogtaynayo ka baarista kansarka malawadka ee xubanaha reerka ee ka wayn 50 sanadood.

Qoysasku waxa ay macluuumaad iyo ilaha ka heli karaan marshruucyo degdegga ee ayaga loo talagalay si ay uga tabaabushaystan fatahaadda, dabka ama marka uu cudurku dillaco. 

Iyo taaso macnaheeda uu yahay in aan kulligeen ay Minnesota noqoto meel caafimaad iyo ammaan qabta.