Waxyaabaha aan ka shaqeyno

Annaga oo ah hoggaanka isgaarsiinta ku turjuman luqado kala duwan ee caafimaadka, hawlaha bulshada iyo ka tabaabushadada xaaladaha deg-degga, ECHO ayaa buuxinaya faraqa haysta soogalootiga iyo qaxootiga Minnesota. Ayadoo lala kaashanayo khubarada caafimaadka iyo ammaanka, hogaamiyaasha jaalliyadda labada luqo-yaqaan iyo afhayeennada qibradda leh, Echo waxa ay diyaarisay barnaamij farsamaysan ee laga siidaynayo telefishinka iyo raadiyaha iyo qalab loogu talagalay telefoonka, qoraal daabacan, internetka, DVD iyo hayadaha nala shaqeeya waqti gaaban ay qaybiyaan macluumaad loogu talagalay mid ama ka badan waxa soo socda:

In la yareeyo faraqa daryeelka caafimaadka ka jira ee jaalliyadaha soogalootiga iyo qaxootiga ay ka haysato tiro sare ee dhimashada ilmahaha yar, sokorta, cudurka wadnaha iyo kaansarka – iyo cimri gaabnida.

In la faafiyo ka hortaga lagana feejignaado qaar ka mida cudurrada ugu xun uguna qarashka badan ee haysta dhammaan reer Minnesota.

In la helitaanka macluumadka si deg-degga ah nafta loogu badbaadiyo ayadoo lagu warbaahinayo luqado kala duwan.

In la fududeeyo sida soogalootiga iyo qaxootiga nolosha Minnesota ula qabsadaan, ayadoo laga caawinayo shaqada iyo waxbarshada Maraykanka cusub in ay ku guulaystaan soo dhaxgelidda jaalliyadaheena.

In la xaaqijiyo wax ka badan nus-malyuunka reer Minnesota ee aan af-ingiriis macna leh ku hadlin inay helaan macluumadka ay u bahaanyihiin si ay ku gaaraan go’aan ay ka fiirsadeen ee ayaahoda saamayn doona.

Qalabka isgaarsiinta ee ECHO waxa kaloo loo isticmaali karaa xaaladaha deg-degga ah ee siinaya hayadaha caafimaadka guud iyo ammaanka marka ay musiibo jirto. Haddii la galo xaalad deg-degga, sida fatahaad ama uu cudur dillaaco, ECHO ayaa leh nidaam hawgala oo lagu fidinayo macluumaadka muhiimka ah sida ugu dhaqsaha badan laguna tebinayo luqadaha loo baahanyahay waliba si dhaqsa badan oo wax ku oolna ah wax lagu gaarsiyo ayaado la isticmaalyo telefishinka, raadiyaha, qoraal daabacan, interneta iyo hawada.

Annaga oo gacana ka haysta tabarrrucayaasha hawlkarka ah ee jaalliyaddeena, deeqda hayadahenna caafimaadka guud, kuwa ammaanka, kafaalaqaadka shuraakada, samatabixinta iyo warbaahinta, iyo taageeradda laga haysto saxiibbadeen sida adiga oo kale, ECHO ayaa ka shaqaynaysaa in uu qof waliba uu warbixin buuxda haysto iyo qalabka ay u baahanyihiin in caafimaad qabaan, ammaan haystaan iyo isdiyaariyaan.