Si badqab ah gaariga u wad, nafta dadkana badbaadi

"Foojignow: Yaan lagu jeedinin marka aad gaariga waddo"

Ulajeedada qaddarkan gaaban ee muuqaalka ah ayaa ah in daawadayaasha looga digo halista ay leedahay foojignaan la’aanta iyo darawal la jeediyay oo gaari wada. Tusaale qayaxan oo ku faraya inaad foojignaato iyo inaad marka aad gariga waddo ku dadaasho badbaadinta naftaadana waa ay raacsantahay.

  

 

"Halista Darawalnimo la dhaawacay iyo Xawaaraha"

Ulajeedada qaddarkan gaaban ee muuqaalka ah ayaa ah in daawadayaasha la baro halista ay leedahay gaari uu wado darawal xiskiisu dhimanyahay iyo halista gaariga xawaaraha lagu wado.  Tusaale qayaxan oo ku tasaya habka aad ku badbaadin kartid naftaada, ta rukaabkaaga iyo dadka kale ee waddada isticmaalayana waa ay raacsantahay. 

  

 

“Iscmaal Suunka Kursiga iyo Kuraasta Bad-qabka  oo Badbaadi Naftaada”

Ulajeedada qaddarkan gaaban ee muuqaalka ah ayaa ah in daawadayaasha laga caawiyo ka dhaadhicinta  muhimadda ay leedahay isticmaalka saxda ah ee qalabka qofka badbaadiya; sida saxda ah ee suunka loo xirto, sida saxda ah ee loo isticmaalo kuraasta gaariga ee ilmaha iyo sida aad naftaada iyo ta rukaabkaaga ku badbaadin karto. 

 

Haddii aad rabto inaad dalbato koobi barnaamijkan ah oo ku qoran Ingiriis, Spanish, Hmong ama Somali, u dir email; [email protected].  Fadlan email raaci magacaaga, haya’dda, inta koobi ee aad u baahantahay, iyo qoraal gaaban oo aad ku qeexays sida video-ga loo isticmaali doono. 

Barnaamijyadan waxaa maal galiyay  AAA, Minnesota Department of Health, Minnesota Sheriffs' Association, Minnesota Safety Council, and Iowa-Illinois Safety Council.

 dsf   sdf   dsf  sd  hfd 

Keywords: 
aaa, safe, driving