
|
|
TALEEFASHINKA DOWLADDA IYO ECHO TV (TALEEFASHINKA ECHO) Barnaamijyada taleefashinka ECHO TV ee hadda socda iyo kuwa la soo saari doono kolka ay jirto xaalad degdeg ah—labadaasuba waxa ay ku suura-galeen wada shaqeynta aannu la sameyno taleefashinka tpt (Twin Cities Public Television). Barnaamijyada taxanaha ah ee ECHO TV ee ka hadlaaya arrimaha caafimaadka iyo u diyaargarowga xaaladaha degdegga ah, waxa laga soo saari doonaa Taleefashinka Dowladda ee Magaalooyinka Mataanaha ah (tpt) – Kanaalka Minnesota ee 17 kaas oo laga daawado labada magaalo iyo nawaaxigooda. Dadka uu taleefashinkoodu ku xiran yahay keybal ama diishka guriga la dul saaro iyaguna waxa ay Kanaalka Minnesota ee tpt ka daawan karaan kanaalka 243 ee Comcast (digital cable), kanaallada 234 iyo 1021 ee Time Warner (digital cable), iyo 17-2 kolka la isticmaalayo diishka guriga la dulsaaro. Minnesota wixii Magaalooyinka Mataanaha ah ka baxsan waa in la eegaa macluumaadka kanaallada ee magaalada aad deggen tahay. Wada-shaqeynta ka dhaxeysa tpt iyo taleefashinka ECHO TV waxaa ka mid ah caawimaadda dhanka farsamada lagu soo saarayo barnaamijyada taleefashinka ECHO TV, sida in barnaamijyada lagu soo duubo istuudiyaha tpt ee ku yaalla magaalada St. Paul. Sidoo kale, sawirrada lagu daro barnaamij kasta waa kuwa laga soo ergado ama laga soo xigto SPNN-TV (Saint Paul Neighborhood Network). Hay’adaha ECHO ka wada shaqeeya ECHO Minnesota Collaborative waxa ay hadda ku hawlan yihiin in ay taleefashinka ECHO TV ballaariyaan oo ay gaarsiiyaan gobolka oo dhan iyada oo wada-shaqeyn lala sameyn doono taleefashinnada dowladda ee ka jirta meelaha ka baxsan Magaalooyinka Mataanaha ah. ECHO wuxuu wakhtiga xaadirka ah bixiyaa cajalado DVD ah oo ay ku duuban yihiin barnaamijyada ECHO TV. Cajaladahaas waxaa la siiyaa hay’adaha degaan kasta ka jira ee Minnesota ee ku hawlan caafimaadka oo dhan, weliba waxaa lagu dhiirri geliyaa inay showyada u sii gudbiyaan taleefashinnada magaalooyinkooda laga daawado. Qofkii raba barnaamijyada showyadii hore ee taleefashinka ECHO TV wuxuu ka daawan karaa isaga oo gujiya linkigan barnaamijyadii hore. Kolka ay gobolka oo dhan xaalad degdeg ah ka jirto taleefashinka ECHO TV si toos ah ayuu u soo geli doonaa. Warbaahinta tooska ah waa mid ka imaaneysa istuudiyaha tpt ee ku yaalla magaalada St. Paul. Taleefashinnada dowladda ee Minnesota oo dhan ayaa iyaguna isla markiiba macluumaadka heli doona. Arrinta wada-shaqeynta barnaamijyada noocan ah oo ah middii ugu horreysay oo noocan ah oo waddankan oo dhan laga hirgeliyo, waxa ay dhalisay in uu taleefashinka dowladdu noqdo meel bil kasta laga helo waxbarsho ku saabsan caafimaadka iyo ammaanka, taasoo loogu tala galay dadka reer Minnesota ee aan ku hadlin af Ingiriis fiican. Intaas waxaa sii dheer kolka ay gobolka oo dhan ka jirto dhibaatooyin ku saabsan caafimaadka iyo ammaanka, taleefashinnada dowladda ee Minnesota oo dhan waxa ay isu diyaariyeen inay noqdaan meelo si degdeg ah looga helo macluumaad ku wejahan dadka aan af Ingiriis fiican ku hadlin. |