|
|
ECHO TV DADKA WARIYAHA KA AH
Cambodian
 |
Rev. Sokurt Suos “Waan ka helaa inaad ka shaqeeyo sidii aan nolosha dadka u hagaajin lahaa. Macluumaadka taleefashinka ECHO TV dadka Kaamboodiyaanka ah ayuu ku caawiyaa inay isu diyaariyaan oo xal u helaan arrimo muhiim ah.”
Rev. Sokurt asalkiisii hore wuxuu ka soo jeedaa dalka Kaamboodiya; hadda waa baadari kaniisad ka shaqeeya. |
Hmong

|
Bee Vang |

|
Ms.Mao Thao
Waxa ay ka timid dalka Taaylaan, laakiin waxa ay u soo guurtay Minnesota. Meheradda ay ku shaqeyso waa isku-dubarridaha arrimaha caafimaadka dadka Maangaha ah; waxay u shaqeysaa hay’adda caafimaadka dadweyne magaalada. |
 |
Mang Chung (Troung) |
Lao

|
Ms. Lasamy Mila
" Waan jeclahay inaan wariye ka noqdo taleefashinka Laawu ECHO TV, sababtoo ah waxaan rumeysnahay inaan caawinayo bulshada Laawuska ah si ay u helaan macluumaadka saxda ah ee ku saabsan caafimaadka iyo ammaanka, kuwaas oo ah kuwa ay iyaga iyo qoysaskoodu u baahan yihiin. Waxaa sharaf ii ah inaan bulshadeyda u adeego!”
Lasamy waxa ay Minnesota u soo guurtay sannadkii 1980-kii iyadoo ka timid Vientiane, Laawus. Meheradda ay ku shaqeyso waa Maamulaha adeegyada shaqaalaha; waxa ay u shaqeysaa hay’ad dowladeed. |
 |
Ms. Khambay Sivongsay
Asalkeedii hore waxa ay ka soo jeeddaa Vientiane, Laawus. Meheraddeedu waa la-taliye laba-luqadle oo dugsiga sare ka shaqeeya. |
Spanish

|
Ms.Cynthia Espinoza
Markii ay Minnesota imaaneysay waxa ay ka timid Guwaatamaala. Meheradda ay ku shaqeyso waa iyadoo dugsi dhexe ka ah xiriirka isku dubbaridka bulshada Laatiinka.
"Si adag ayaan u qiimeeyaa arrimaha qoyska, anshaxa, iyo masuuliyadda idaacadaha ka saaran baahinta macluumaadka waxbarashada. Show ay qoys daawadaan oo noocan ah, oo ku baxa lix luuqadood oo kala duwan, waa wax aan caadi ahayn oo xusid mudan, sababtoo ah wuxuu dhaqammada ka dhex abuurayaa wanaag iyo xiriir waxtar leh." |

|
Mr. Leo Espinoza
“Waxaan rumeysnahay inuu xubin kasta oo bulshadeenna ka mid ah masuul ka yahay inuu caawiyo dadka isaga u baahan, arrintaas waxaan uga jeedaa waxa lagu caawin karo dadka aan af Ingiriiska ku hadlin. Ma jirto abaalmarin ka wanaagsan in xirfaddaada iyo wixii aad hibo u leedahay aad u sii hibeyso bini’aadanka.”
Meheradaha uu Leo hadda ku shaqeeyo waxa ka mid ah Bulsho-abaabule, qof taleefashin iyo raadiye ka hadla, ganacsade, iyo xiriiriyaha xagga dhaqanka. Asalkiisii hore wuxuu ka soo jeedaa dalka Ekwadoor. |

|
Morgan Michilot |
 |
Ericka Bergthold |
Somali

|
Mukhtar Gaaddasaar |
 |
Zuhur Ahmed |
Vietnamese

|
Ms. Hoa Young
“Waan ku faraxsanahay inaan wariye ka noqdo taleefashinka ECHO TV, sababtoo ah waa dedaal loo sameynayo dadweynaha aan af Ingiriiska ku hadlin si ay u helaan macluumaadka ku saabsan xaaladaha degdegga ah.”
Hoa asalkeedii hore waxa ay ka soo jeeddaa dalka Fiyatnaam. Meheradda ay ku shaqeyso waa xiriirka ganacsiyada yaryar ee dowladda hoose. Waxa kale oo ay madax ka tahay Warbaahinta Fiyatmaanka Minnesota (Taleefashin usbuucle ah oo ay jaaliyaddoodu leedahay). |

|
Mr. Donny Chau
“Waxaan ku faraxsanahay inaan wariye ka noqdo taleefashinka ECHO TV, sababtoo ah waxaan doonayaa inaan caawiyo bulshada Fiyatnaamka ah ee halkan ku nool iyo kuwa kale ee dalkan oo dhan ku nool (gaar ahaan dadka waaweyn ee aan af Ingiriis fiican ku hadlin) si ay u ogaadaan arrimaha caafimaadka khuseeya ee iyaga naftooda lug ku yeelan kara. Hase yeeshee si ay dadku caawimaad u helaan waxaa muhiim ah in marka hore loo diyaariyo meel ay macluumaadka ka helaan.”
Donny asalkeedii hore waxa ay ka soo jeeddaa dalka Fiyatnaam. Meheradda ay ku shaqeyso waa horumarinta ganacsiga intarnetka, waxay u shaqeysaa shirkad si gaar ah loo leeyahay. |
 |
Ms. Elisa Le
“Waan ku faraxsanahay inaan wariye ka noqdo taleefashinka ECHO TV, maxaa yeelay arrimaha caafimaadku qof kasta noloshiisa ayey khuseeyaan. Inaan anigu noqdo qofka dadka u sheegaya macluumaad, gaar ahaan dadka Fiyatnaameyska ah, waxaan ka helayaa dareen i taabsiinaya inaan shaqo qiima badan u qabta bulshada Fiyatnaamka ah.”
Elisa asalkeedii hore waxa ay ka soo jeedda Saigon, Fiyatnaam. Meheradda ay ku shaqeyso waa maamulaha xisaabaadka oo ay u tahay shirkad si gaar ah loo leeyahay. Waxa kale oo ay ku shaqeysaa khasnajiga Jaaliyadda Fiyatnaamka Minnesota (Vietnamese Community of Minnesota), sheegidda iidhehda warka ee raadiyaha Fiyatnaamka Minnesota (Viet Minnesota Radio), iyo macallimad wax barta carruurta lix jirrada Fiyatnaamka ah ee macbadka Fiyatnaamka. |
|