
|
|
ECHO TV (TALEEFASHINKA ECHO)
Barnaamijyadu waa kuwa horay loo sii duubo, waxaase la socda wareysiyo lala yeesho marti-sharaf ay ka mid yihiin hoggaanka jaaliyadaha ama dad afka uu barnaamijku ku hadlayo si aad u fiican ugu hadli kara iyaga oo weliba khibrad u leh mowduuca markaas laga hadlayo. Barnaamijyada oo dhan waxaa la socda qoraallo af Ingiriis ah oo ku dul qormaya shaashadda taleefashinka, kuwaas oo loogu tala galay inay daawadaashu luuqad ahaan af Ingiriiska uga faa’iideystaan. Kolka ay gobolka Minnesota ka jirto xaalad degdeg ah, taleefashinka ECHO TV waxa uu si toos ah uga soo galayaa Taleefashinka Dowladda ee Magaalooyinka Mataanaha ah ee tpt (Twin Cities Public Television). Akhbaartii af ingiriiska ee ka hadleysay wixii la fali lahaa kolka ay jirto xaalad degdeg ah ee laga sheegay taleefashinka iyo raadiyaha, ayuu taleefashinka ECHO TV ku sheegi doonaa luuqadaha Maang, Khameer, Laawu, Soomaali, Isbaanish, iyo Fiyetnaameys. Barnaamijyada taxanaha ah ee ECHO TV ee ka hadlaaya arrimaha caafimaadka iyo u diyaargarowga xaaladaha degdegga ah waxa laga soo saari doonaa Taleefashinka Dowladda ee Magaalooyinka Mataanaha ah (tpt) – Kanaalka Minnesota ee 17 kaasoo laga daawado labada magaalo iyo nawaaxigooda. Dadka uu taleefashinkoodu ku xiran yahay keybal ama diishka guriga la dul saaro iyaguna waxa ay Kanaalka Minnesota ee tpt ka daawan karaan kanaalka 243 ee Comcast (digital cable), kanaallada 234 iyo 1021 ee Time Warner (digital cable channels), iyo 17-2 kolka la isticmaalayo diishka guriga la dulsaaro. Minnesota wixii Magaalooyinka Mataanaha ah ka baxsan waa in la eegaa macluumaadka kanaallada ee magaalada aad deggen tahay. Hadda iyo Waxa ka Socda Taleefashinka ECHO TV:
Next Month on ECHO TV:
|
||||||||||||||||||||