U Diyaarinta Ilmahaaga Xanaanada Carruurta (Kindergarten)
Maalinta ilmaha ugu horeysa iskuulka qiimo badan ayey u leedahay noloshiisa. Waalidiin badan ayaa is weydiiya waxa uu ilmahoodu kala kulmayo xanaanada carruurta. Waxay su’aalo ka qabaan waxa uu cunugoodu baranayo iyo sida ugu wanaagsan ee loogu diyaariyo. Inkasta oo carruurtu ay waalidkood wax ka baranayeen ilaa markii ay dhasheen, waxaa jira waxyaalo ay waalidku u baahan yihiin inay ogaadaan iyo waxyaalo ay waalidku sameyn karaan si ay ilmahooda ugu diyaariyaan xanaanada carruurta.
|