EnglishKhmerSomaliVietnameseLaoSpanishHmong

 
ECHO Topic
Xaaladaha Degdegga ah ee loo Garaaco 9-1-1
Haddii aad si degdeg ugu baahato in uu boolis kuu yimaado, in ay aambalaas kuu timaaddo, ama in uu dab-damis kuu yimaado, taleefan soo qaado oo garaac 9-1-1. Taleefanka 9-1-1 waa taleefan lacag la’aan ah oo aad ka soo diri karto taleefan kasta—taleefanka gacanta, taleefanka guriga, ama taleefanka lacagta lagu guro ee dariiqyada ku yaalla. Xafiis kasta oo ay leeyihiin 9-1-1 waxaa kuugu diyaar ah turjubaan. Laakiin waxaa muhiim ah in aad kolka taleefanka lagaa qabto si fiican u sheegto in aad ku hadasho af Soomaali.
 
XUSUUSNOW taleefanka 9-1-1 waa mid la garaaco marka caawimaad gurmad degdeg ah loo baahan yahay.

Watch the Show

Resources:
Read the TV Script (PDF)