Sida Looga Nabadgalo Dabka iyo Kaarboonka Moono-Ogsaaydh ee ka Yimaada Qiiqa Dadka Naqaska ku Xira
Kaarboonka moono-ogsaaydhka waa naqas khatar ah oo aan dhadhan lahayn, la arki karin, ama aan la urin karin. Sidaas awgeed waxa uu ku dhex dhuuman karaa hawada ay dadku ku neefsadaan. In la joogo meel uu ka jiro kaarboon moono-ogsaaydh waxa ay dhib ku keeni kartaa indhaha; waxa kale oo ay keeni kartaa madax xanuun, in lagu dayoobo, jaha-wareer iyo lalabbo. Waxaa dhici karta in dhibka noocaas ah loo dhinto.
|