
|
|
SIDA LOO ISTICMAALI KARO
ECHO wuxuu soo dhaweynayaa in la isticmaali karo oo weliba cid kale la sii siin karo barnaamijyada ay soo saareen oo dhan. Kolka la isticmaalayo qoraallada ama fiidiyowga intarnetka ku jira, waa inuu qof kasta oo isticmaalaya ogaadaa afeefta soo socota. Waa in wax kasta loo isticmaalaa sida ay yihiin iyada oo aan waxba laga beddeleyn sida ay intarnetka ugu jiraan. Barnaamijyada la isticmaalayo waxaa loo isticmaali karaa oo keliya waa ujeeddo waxbarasho; sabab ay noqotaba lama sii iibin karo. Wax kasta oo la ergado waa in lagu xusaa in laga soo xigtay dadka barnaamijyada ka soo wada shaqeeyay oo dhan ECHO Minnesota Collaborative. Si ay noqotaba fadlan marna wax ha ka beddelin wixii aad ergato adiga oo aan idan ka helin dadka barnaamijyada ka soo wada shaqeeyay oo dhan ECHO Minnesota Collaborative. Waxyaabaha aannu ka hadleyno waxaa ka mid ah inaad barnaamij wax ku darto ama aad wax ka goyso, inaad luuqad kale ku sii turjunto ama inaad sawir ku sii darto. ECHO wax masuul ah kama aha wixii ka soo baxa in barnaamijyada idan la’aan la iska isticmaalo. Waxaa intaas sii dheer macluumaadka barnaamijyada laga helo waa inaan marna lagu beddelan talada iyo daryeelka caafimaadka ah ee laga heli karo dhakhtar, kalkaaliye caafimaad, ama dadka kale ee caafimaadka ka shaqeeya. |