
|
|
ECHO PHONE (TALEEFANKA ECHO): 1-888-883-8831
Taleefanka ECHO ee 1-888-883-8831 waxaa laga heli karaa talo caafimaadka u wanaagsan marka aysan wax xaalad degdeg ah ka jirin meesha aad deggen tahay ama gobolka intiisa kale. Tusaale ahaan talada caafimaadka waxaa ka mid ah sida la isaga ilaaliyo inaad hor-iyo-dabo noqoto ama haddii ay jirto sabab sheegaya in laga fogaado cunidda digaagga, boolo-boolada, iyo shimbiraha kale marka safar loogu baxayo Aasiya, Yurub ama Afrika. Macluumaadka taleefanka ECHO waxa ay ku duuban yihiin 10 luuqadood: Isbaanish, Maang, Soomaali, Laawu, Khameer, Fiyatnaameys, Ruush, Carabi, Oromo ama Ingiriis. Macluumaadka waxaa la dhageystaa dhowr daqiiqadood oo keliya. Waxa kale oo aad dhageysan kartaa macluumaad ku saabsan mowduuca soo socda ee ECHO TV. Taleefanka lala soo xiriirayo Minnesota oo dhan lacag la’aan ayaa lagu soo garaaci karaa. Haddaba la soo xiriir: 1-888-883-8831. Kolka ay xaalad degdeg ah oo weyn ka jirto meesha aad ku nooshahay ama gobolka oo dhan, taleefanka ECHO waxaad ka heleysaa macluumaad degdeg ah si adiga iyo qoyskaaga la idiinku caawiyo arrimaha ku saabsan ammaanka iyo caafimaadka. Macluumaadka oo lagu sheegayo 10 luuqadood waa kuwa horay loo sii duubo iyada oo hadba wixii cusub ee soo kordha si joogto ah loo beddelayo.
Sida Looga Nabadgalo Dabka iyo Kaarboonka Moono-Ogsaaydh ee ka Yimaada Qiiqa Dadka Naqaska ku Xira Kaarboonka moono-ogsaaydhka waa naqas khatar ah oo aan dhadhan lahayn, la arki karin, ama aan la urin karin. Sidaas awgeed waxa uu ku dhex dhuuman karaa hawada ay dadku ku neefsadaan. In la joogo meel uu ka jiro kaarboon moono-ogsaaydh waxa ay dhib ku keeni kartaa indhaha; waxa kale oo ay keeni kartaa madax xanuun, in lagu dayoobo, jaha-wareer iyo lalabbo. Waxaa dhici karta in dhibka noocaas ah loo dhinto.
Listen now to an audio file of this ECHO Phone topic.Daaweynta Xanuunka Dhimirka ama Xanuunka Maskaxda ku Dhaca Listen now to an audio file of this ECHO Phone topic. |