|
KU SOO DHAWOOW
Qeylo dheer oo baroor-diiq xaalad degdeg ah ayaad maqli kartaa. Cudur halis ah ayaa ka dhex dillaaci kara bulshada aad la nooshahay. Ma garan kartaa meel aad ka heli warbixin aad ku badbaadin karto naftaada iyo qoyskaaga?
Haddaba jawaabtu waxay noqoneysaa: ECHO.
ECHO (Emergency and Community Health Outreach) waxaa loo sameeyey in ay dadka aan af Ingiriis fiican ku hadlin ka helaan macluumaad ay ku heli karaan luuqadaha ay sida ugu fiican u fahmi karaan. Macluumaadku waa kuwa ku saabsan caafimaadka iyo ammaanka, waxaana loogu tala galay inay naftooda ku badbaadin karaan.
Saxiix ku dalbo Emailka ECHO ee La-socodsiinta waxa cusub |
|
ECHO TV
Si aad Caafimaadkaaga u Wanaajiso Jimicso oo Cun Raashin Nafaqo Leh!
Eeg waxa aad u baahan tahay ee aad ka heleyso ECHO TV.
Axad, Julaay 20 8:40
Taleefashinka tpt-MN-Channel 17 ee Magaalooyinka Mataanaha ah iyo Nawaaxigooda. Minnesota inta ka baxsan Magaalooyinka Mataanaha ah la soco macluumaadka kanaallada ee halka aad deggen tahay.
Haddaba daawasho wacan!
ECHO Phone
Wixii faahfaahin dheeraad ah kala soo xiriir taleefanka ECHO Phone ee 1-888-883-8831. Waa taleefan lacag la’aan lagu soo garaaco oo horay loogu sii duubay farriimo ku saabsan caafimaadka iyo ammaanka. Farriimahaas bil kasta kolka aysan wax xaalad degdeg ah jirin 10 luuqadood ayaa lagu duubaa.
Caafimaadka & Ammaanka
Guji halkan oo arag siyaabaha aad caafimaadkaaga ugu dedaali karto.
|