
|
|
Digniin Caafimaad Waxaa laguu soo gudbinayaa farriin tijaabo ah oo ka timid Emergency and Community Health Outreach (ECHO), Gacansaarka Xaaladaha Degdegga ah ee Caafimaadka Bulshada. Waxaad isu diiwaan-geliyey in aad sii gudbiso farriimaha aan kuu soo dirno; haddaba haddii ay jiri lahayd xaalad degdeg ah, waxaannu kaala shaqeyn lahayn sidii aad u sii gudbin lahayd farriintan oo turjuman si loo gaarsiiyo dadka ku hadla luuqad kale oo aan af Ingiriis ahayn. Fadlan nagala soo xiriir info@echominnesota.org oo farriintan ka soo jawaab si aannu u ogaanno in ay farriintu ku soo gaartay.
Tababarkan carbiska ah waxaa la socda ogeysiis ka yimid xafiiska adeegga dadweynaha, kaasoo ku saabsan saxmadda baabuurta ee Labada Magaalo ee Mataanaha ah:
Laga bilaabo fiidnimada maalinta Jimcaha ah ee 29-ka Ogoosto ilaa iyo aroornimada maalinta Sabtiga ah ee 6-da Sibteember, baabuurta oo dhan waxaa laga leexinayaa agagaarka Xcel Energy Center, taas waxaa ugu wacan Shirweynaha Xisbiga Jamhuuriga, Republic National Convention (RNC).
Baabuurta iyo baaskiillada looma oggolaan doono meelaha ku dhow agagaarka Xcel Energy Center.
Maamulka magaalada iyo waaxda booliska ayaa laga heli karaa macluumaadka la xiriira dariiqayada la mari karo iyo gaadiidka la qaadan karo. Macluumaadkaas waxaa lagu caawinayaa dadweynaha magaalada gudaheeda deggan ama shaqaalaha u soo shaqa-tagaya sida ay magaalada ku imaan karaan ama uga bixi karaan inta uu shirku socdo.
Dhammaan waddooyinka dhexmara magaalada Saint Paul I-94 iyo 35E, Wabasha, Robert streets, iyo Shepard Road waa la furi doonaa oo waa la mari karaa, si fiican ayaa loo calaamadin doonaa waddooyinka la qaadan karo si baabuurta loogu caawiyo meelaha ay mari karaan.
Darawaliinta iyo dadka basaska raacaya waxaa lagu dhiirri-gelinayaa in ay socodkooda sii qorsheystaan oo ay ku tala-galaan wakhti dheeraad ah.
Inta lagu guda-jiro shirka, wixii macluumaad ah oo ku saabsan meelaha ay mari karaan baabuurta iyo basaska waxaad kala xiriirtaa www.stpaul.gov, ama 651-266-8989.
Farriintan oo ku qoran luuqado badan waxaa kuu soo gudbiyey magaalada St. Paul iyo ECHO
(Emergency and Community Health Outreach / info@echominnesota.org).
Halkaas ayuu tababarkii ku dhammaaday.
Sababta loo sameynayo tababarkan:
Waxaa jira dhowr arrimood oo aan la arkayn oo la sameeyo marka ay jirto xaalad degdeg ah. Haddaba tababarkan ECHO wuxuu ka caawinayaa sidii loola shaqeyn lahaa turjubaannada, shaqaalaha xaaladaha degdegga ah and ciddii kale ee la shaqeyn doonta in ay isku-carbiyaan sidii ay warbixin ugu gudbin lahaayeen dadka daawada ee ku hadla luuqad kale oo aan af Ingiriis ahayn.
Sabata ay jawaabtaadu muhiimka u tahay:
Natiijada ka soo bada tababarkan waxa ay nagu caawin doontaa in la horumariyo nidaamka gudbinta farriimaha xaaladaha degdegga ah. Fadlan nagu soo war celi haddii aad farriintan heshay: info@echominnesota.org.
Digniin Caafimaad
waxay faraysa heeka ugu sareeya ee muhiimka; ballanqaadaysaa waxqabad iyo digtoonaan isla markiiba.
Digniin Caafimaad
waxay bixinaysaa mucluumad muhiima dhacdo ama xaalad gaara; laga yaabo in aanay u baahnayn waxqabad degdega.
La-socodka Caafimaad
waxay bixinaysaa macluumaadka cusub ee dhacdo ama xaalad; laga yaabo in aanay u baahnayn waxqabad degdega.
|