
|
|
News & Events U wareegista teleefishinka digital-ka ah (DTV) ayaa soo socoto.
Waa maxay Teleefishinka Digital-ka ah (DTV)? Teleefishinka Digital-k ah (DTV) waa mid horuumarsan oo ah nooc cusub oo tignoolajiyad hawadana la soo marsiiyo ah marka la gudbinayo taas oo ku gudbiso sawirada hirarka hawada iyo macluumaadka bits-ka ah, sida kombiyuutarka oo kale. DTV wuxuu u sahlaa xarumaha TV-yada in ay gudbiyaan sawirro aad nadiif u ah, cod tayo wanaagsan iyo barnaamijyo fara badan oo la kala dooran karo. Maxaa loo wareegayaa? Sharcigii uu ogolaaday golaha sharci dejinta gudihiisa – Sharciga Yareynta Hoos u dhaca dhaqaalaha 2005 – waxaa loo baahday xarumo teleefishin oo awood leh oo degaanka ku yaal si loo demiyo kanaalada analogga ah taariikhdu markey tahay Febraayo 17, 2009, loona sii wado in lagu soo gudbiyo habka digital-ka ah oo kali ah. Waa maxay faa’iidooyinka DTV? DTV waa hab waxtar fiican leh oo wax loo gudbiyo, waxay u firaaqeyn doontaa hirarka hawada adeegyo kala duwan oo cusub. DTV waxaa kale oo ay bixisaa sawirro iyo cod aad nadiif u ah, kanaalo dheeraad ah iyo xattaa, kuwo hawada lasoo mariyo oo bilaash ah teleefinshin tayadiisu aad u sareyso (HDTV) oo loogu talo galay macaabiisha heysto sets-ka teleefishinada HD. DTV waxaa kale oo ay kuu ogolaan doontaa adeegyo ka badan kuwii hore oo leh, teleefishinka la soo gudbiyo oo bilaash ah. Yay saameyn doontaa? Macaabiisha ku helo warbaahinta bilaashka ah teleefishinka signallada anteenada sets-ka teleefishinada eek u shaqeeyo tuners-ka analogga – oo aan ka rukuneyn cable-ka, dayax-gacmeedka ama adeegga teleefishinka shirkadaha telefoonada bixiyo – waxaa saameyn doono xiliga kala guurka. Ugu yaraan 19.6 milyan oo guri ayaa si gaar ah ugu helo guryahooda signals-ka warbaahinta teleefishinada oo bilaash ah, celcelis ahaana 70 milyan oo ah sets-ka teleefishinada ayaa halis ugu jiro in ay ku lumiyaan signals-kooda xarumaha teleefishinada awoodda sare leh Febraayo 17, 2009 ka dib, haddii milkiilayaasha sets-kan ay qaadi waayaan tallaabooyin ay ku horuumarinayaan. Sidee baan ugu dhigi karaa DTV? Waxaad uga dhigi kartaa DTV adigoo raacayo mid ka mid ah seddaxdan tallaabo marka la gaaro Febraayo 17, 2009: 1. Sanduuqa bedelaha DTV: Iibso sanduuqa bedelaha DTV kaas oo ku xirmayo set-kaaga aad hadda heysato ee TV-ga analogga. Sanduuqa bedelaha ah wuxuu kuu saamaxayaa in aad si bilaash ah ku sii hesho teleefishinka bilaashka ah, iyo sanduuqyada, laga dhaafay in qiimahoodu gaaro $40 iyo $70, waxaa iib ahaan loo heli doonaa qaybaha hore ee 2008. Dowladda dhexe waxay bixineysaa $40 tikid oo aad u isticmaali karto in aad ku iibsato sanduuqyada. 2. Set-ka TV-ga ee digital-ka ah: Iibso set-ka teleefishinka oo cusub oo gudaha ku wato digital-ka ama tuner-ka Guddiga Nidaamka Teleefishinka Horuumarsan (ATSC), taas oo ka bilaabaneyso qiyaas ahaan wax ka hooseeyo $100. Dhammaan TV-yada leh tuner-ka digital-ka ah waxay awoodaan in uu helaan signalada digital-ka ah ee ay soo daayaan xarumaha teleefishinada, sidaas darteed waxaad sii heli doontaa barnaamijyada bilaashka ah iyadoo aan bishii wax lacag ah la bixineyn. 3. Adeegga lacagta la bixiyo: Iska diiwaan geli cable-ka, dayax-gacmeedka ama adeegyada ay bixiyaan shirkadaha telefoonada si aad usii wadato in aad isticmaasho set-kaaga TV-ga analogga ah, haddii dhammaan xarumaha warbaahinta degaanku ay bixiyaan adeegaas. Waa maxay sanduuqa bedelaha DTV? Sanduuqa bedelaha DTV waa aalad koronto ku shaqeyso oo ku dheggan set-ka teleefishinkaaga analogga ah iyo anteenada waxayna u bedeshaa signalka teleefishinka digital-ka ah analog, taas oo ka dhigeyso in lagu daawan karo TV-gaaga analogga ah. sanduuqa bedelaha ah waxaa la rejeynayaa in qiimihiisu noqon doono inta u dhexeyso $40 iyo $70. Sidee baan ku heli karaa tikidka sanduuqa bedelaha DTV? Dowladda dhexe ayaa bixineysa tikidho loogu talo galay sanduuqa bedelaha DTV si gacan uga geysato qiimaha loogu casriyeynayo digital-ka. Dadka guryaha deggan waxay awoodi doonaan in ay codsataan ilaa labo tikid, oo q iimahoodu yahay $40 midkiiba, taas oo ay tahay in ay dib u bixiyaan 90 maalmood gudahood. Wixii macluumaad dheeraada ah ama haddaad codsaneyso tikid, wac 1 (888) DTV-2009 ama 1 (877) 530-2634 (TTY), visit www.DTV2009.gov ama ku soo dir codsiga tikidka PO Box 2000, Portland, OR 97208. Ma heysan karaa set-ka TV-geyga analogga ah? Haa. Iibsashada teleefishinka digital-ka ah set-kiisa ma aha fursadda kali ah ee aad heysato si aad u daawato transiton-ka DTV. Haddii aad dooneyso in aad sii isticmaasho set-kaaga analogga ah, waa in aad tixgelisaa mid ka mid ah arimaha soo socdo si aad ugu wareegto teleefishinka digital-ka ah: 1. Iibso sanduuqa bedelaha DTV c, kaas oo u bedeli doono signalka cusub ee digital-ka hab analog ah oo loogu talo galay sets-ka teleefishinka analogga ah. 2. Iska diiwaan geli cable-ka, dayax-gacmeedka ama adeegyada ay bixiyaan shirkadaha telefoonada si aad u hesho signalka digital-ka ah ee cusub. HDTV ma wuxuu la mid yahay DTV? Maya. DTV waa teleefishin digital ah. HDTV waa teleefishin dayadiisu aad u sareyso. HDTV waa habka ugu tayada sareysa ee ah DTV, laakiin waa qayb ka mid qaybo badan. Macabiisha heysto sets-ka TV-ga tayadiisu sareyso waxay heli karaan barnaamijyo tayadoodu sareyso oo bilaash ah iyagoo isticmaalayo anteeno. Ma u baahan doonaa anteeno gaar ah si aan hawada uga helo DTV? Anteeno wanaagsan oo gudahaama dibadda ah waxay kordhin doontaa helitaanka DTV-gaaga. Guud ahaan, helitaanka DTV waxay u baahnaan doontaa anteeno la mid ah tan hadda kuu shaqeyso si aad ugu heshid siganlka TV-ga oo tayo fiican leh gurigaaga. Wixii gacan siin ah ee la xiriiro doorashada anteenada dibadda si aad u heshid, kanaalada degaanka ee TV-yadu soo daayaan oo bilaash ah, booqo www.antennaweb.org.
|