
|
|
SIDA AAD ECHO U CAAWIN KARTO
ECHO wuxuu dhiirri-gelinayaa hay’ado fara badan sida kuwa ku hawlan caafimaadka iyo ammaanka ee Minnesota oo dhan, ururrada u adeega jaaliyadaha, iyo kuwa kale ee aan iyagu macaashka ku shaqeyn oo ay ka mid tahay Laanqeyrta Cas ee Mareykanka laamaha ku yaalla Minneapolis iyo St. Paul, inay dhammaantood ku soo biiraan taageeridda hadafka iyo shaqada barnaamijka. Fadlan wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida loogu soo biiro kala soo xiriir Agaasimaha Mashruuca ECHO, Lillian McDonald - Executive Director. Si mashruuca caawimaad dhaqaale loogu helo waxa kale oo uu ECHO raadinayaa kaalmo dhaqaale oo ka timaadda dadweynaha caadiga ah, dadka ganacsadayaasha ah, iyo ururrada aan macaashka ku shaqeyn. Ciddii wax bixineysa waxa ay kala dooran karaan inay mashruuca oo dhan dhaqaale ugu deeqaan ama inay si toos ah dhaqaalaha ugu soo gudbiyaan fakiska, taleefanka, taleefashinka, ama barta intarnetka ee ECHO. Barnaamijyada taleefashinka ECHO TV dhaqaalaha waxaa loogu deeqi karaa iyada oo si toos ah loo bixinayo kharashka ku baxa mowduuc gaar ah oo dhowr luuqadood ku baxaya, ama waxaa dhaqaalaha loogu deeqi karaa in la bixiyo dhammaanba kharashka guud ee ku baxaya soo-saaridda taleefashinka. Fadlan wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan sida kaalmo dhaqaale loogu deeqo kala soo xiriir Agaasimaha Mashruuca ECHO, Lillian McDonald - Executive Director. Siyaabaha kale ee aad ECHO TV u caawin karto: Barnaamijyada Daawo oo Dadka Kalena La Socodsii Noqo Qof Nagu Caawiya Helidda Marti Aqoon u Leh Barnaamijyada Shariik ka noqo ECHO Si aad u ogaato noqoshada shariigga ECHO, waxa la weydiinayaa ururkaas inay samayso waxyaabaha soo socda
|