
|
|
ECHO IYO XAALADAHA DEGDEGGA AH
Kolka ay meesha aad deggen tahay ka jirto xaalad degdeg ah waxaad warbixin faahfaahsan ka heli kartaa taleefanka, fakiska, iyo barta internetka ee ECHO. Waxaa laguu sheegi doonaa nooca xaaladda degdegga ah ee markaas jirta iyo sida aad u badbaadin karto naftaada iyo qoyskaaga. Tusaale ahaan xaaladaha degdegga ah ee meesha aad deggen tahay ka dhici kara waxaa ka mid ah haddii ay si shil ah kiimiko sun ah hawada u soo raacdo, ama haddii cudurro lagu tuhmo xaafad, iskool ama meel ganaci. Haddii ay xaalad degdeg ah ka jirto gobolka oo dhan, taleefashinka ECHO TV ayaa si toos ah kuugu soo gudbin doona xaaladda markaas taagan. Tusaale ahaan xaaladaha degdegga ah ee gobolka ka dhici kara waxaa ka mid ah iyada oo uu dillaaco cudur ay dadku si dhakhso leh isu qaadsiiyaan, sida cudurka kudka ah ee SARS ama qarax bambaano ah oo uu qof si ulakac ah u sameeyo. Kolka ay xaalad degdeg ah ka jirto Minnesota: La xiriir dadka hoggaamiya jaaliyadda aad ka soo jeeddo. Booqo barta internetka ee www.echominnesota.org. Kolka ay xaalad degdeg ah ka jirto gobolka oo dhan, macluumaadka aad u baahan tahay oo dhan waxaad ku heleysaa dhammaan siyaabaha aan soo sheegnay, laakiin waxaa intaas kuu sii dheer: La soco taleefashinka dowladda ee magaalada aad deggen tahay. Taleefashinka ECHO TV dhibaatooyinka jira ayuu gobolka oo dhan si toos ah ugu soo baahin doonaa. Akhbaartii af Ingiriiska lagu sheegay ayuu ECHO TV wuxuu ku sheegi doonaa luuqadaha Moong, Khameer, Laawu, Soomaali, Isbaanish, iyo Fiyatnaameys. ECHO TV waxaa laga daawan karaa Taleefashinka Dowladda ee Magaalooyinka Mataanaha ah (tpt), kanaalka 17 (Minnesota Channel) ee magaalooyinka Minneapolis/St. Paul. Haddii uu taleefashinka gurigaagu ku xiran yahay keybal ama saxanka guriga la dul saaro, guji halkan si aad u ogaato sida aad u daawan karto Minnesota Channel. Kolka ay gobolka oo dhan ka jirto xaalad degdeg ah taleefashinka tpt ayaa ugu horreyn si toos ah istuudiyaha St. Paul uga soo baahin doonaa akhbaarta cusub. Taleefashinnada kale ee dowladda ee gobolka Minnesota oo dhan iyaguna isla akhbaartaas ayey baahin doonaan |